Skip to main content Skip to footer

Somali

Dugsi dhaqan oo dadkoo dhan u furan

Dugsiga dhaqanku waa deeq wax lagu baranayo iyo firfircooni loo fidiyo dhammaan carruurta iyo dhallinyarada doonaya in ay kororsadaan aqoontooda farshaxanka iyo dhaqanka. Waxyaalaha dugsiga dhaqanka lagu baran karo waxaa ka mid ah qoob-ka-ciyaarka, heesaha, barashada qalab muustiko, wax qoridda, dhigidda ruwaayadaha, sawir-gacmeedka, samaynta waxyaalaha la qoro ama samaynta filimaanta. Carruur iyo dhallinyaro badan oo dhigta dugsiga dhaqanka ayaa barta saaxiibbo cusub, ayaga oo dareema in ay bulshada ka mid yihiin.

Dugsiga dhaqanka waxaa jooga macallimiin xirfadlayaal ah oo aqoon leh. Ardayda waxaa wax la baraa ayaga oo la jooga carruur ama dhallinyaro kale ama ayaga oo keligood ah. Inta badan waxbarashadu waxay dhacdaa marka dugsiga caadiga ah laga soo baxo kaddib.

Yaa dhigan kara dugsiga dhaqanka?

Carruurta iyo dhallinyarada oo dhan waa dhigan karaan dugsiga dhaqanka. Dugsiga dhaqanka waxaa lagu bartaa maaddooyin farshaxan oo kala duwan kuwaas oo loogu tala galay dadka cusub iyo kuwa horey wax u yaqaannay labadaba. Xataa dadka ka weyn 18 sano waa soo codsan karaan boos.

Waa immisa qiimihiisu?

Si dugsiga dhaqanka wax looga barto waa in lacag la baxsho. Degmooyinka qaar baa leh nidaam dadka lacagta looga dhimayo ama bilaash looga dhigayo. Qaar badan oo dugsiyada dhaqanka ka mid ah ayaa dadka amaahiya qalab muustiko ama qalab kale. Si aad wax uga ogaato kharashaadka, la xiriir contact us

 

Sidee ayaa boos looga codsadaa dugsiga dhaqanka?

Si aad dugsiga dhaqanka boos uga codsato ama aad ilmahaaga ugu codsato, la xiriir contact us